Skip to content

Waa maxay Git?

5 min read
githubgitbeginnersAf-soomaali
major-git-platforms

Hadaad tahay qof ku cusub programming-ka waxaa qasab ah inaad maqashay ama aad ku shaqeesay Git, kadib is weesiiday waxa uu yahay🤔.
Qoraalkaan ayaan isku dayi doonaa inaan ku fasirro kadib neh waxaan rajeenaa in uu kaa baxo jahliga aad ka qabtay Git, Github ama Gitlab.

Waa maxay Git?

Git waa nidaamka lagu maamulo isbedelka code-kaaga - Version Control System(VCS), wuxuu ka warhayaa isbedelka ku dhaca code-kaaga iyo marxaladaha uu maraayo, sida goorta la bedelay, qofka bedelay iyo waxa la bedelay. Isbeddeladii horay u dhacay si fudud ayaad dib ugu laaban kartaa.
Git waa lacag la’aan, xog-furan ah (open-source).

VCS

Waxyaabaha ugu muhiimsan inaad ka ogaatid Git.

repository

Local repository: waa meesha aad ku keydisid code-ka oo ah computer-kaaga.
Kasoo qaad inuu yahay folder oo waxyaabaha kugu jiro, oo aad adiga kaliya mar kasta isticmaali kartid adigoon Internet haysanin, maadaama uu computer-kaaga kugu jiro.

Si aad oola wadaagtid code-kaaga computerkaaga kugu jiro dadka kula shaqeeyo ama shaqisiyaad kale, Remote repository ayaad u baaahantahay.Github, Gitlab iwm. ayaa arimahaas kaa caawinaaya.
Remote repository waa code-kaaga computer-ka ku keydsanaa oo “online” ah, oo ku keydsan “server”, si ay u fududaato wada shaqeynta.

Faa’iidada Git.

Nolosha, kahor Git... 😬

Nolosha, kahor Git... 😬

Waqtiyadii hore, engineerada code-kooda ama file-yaashooda si ay ula socodaan isbedelka ku dhaca way adkeed, waxaa ku qasbanaan jirtay inay mar kasta folder cusub sameeyaan oo aay u bixiyaan folder1_v1, kadib ay badalaan waxa ay rabaan, hadii ay ahaan leheed in programka ama filasha xog cusub lagu soo daro, wax laga bedelo ama wax laga masaxo. Hadana folder kale sameeyaan oo ay u buxiyaan folder1_v2 iwx.

Tusaale, markaad Git isticmaalin... 🤓

Tusaale, markaad Git isticmaalin... 🤓

Sidaa dareemaysid, arrinta ma sahlaneen, way kasii darneed hadii project-ga engineero badan ka wada shaqeen jireen, oo way adkeed sida loo ogaado midka kula shaqeeyo hoosha inta ay u mareeso iyo waxa uu sameenaayo si aad adiga na hooshaada usii wadatid oo isla shaqeesiin.
Muhiimada waa in wada-shaqeynta ay sahlanaato oo qofka kula shaqeeyo iyo adiga shaqadiina isku dhicin.
Qofka kula shaqeeyo isla code-kii ayuu isticmaalaa, wax buu ka badalaa, kadib meel isla ogtihiin ayuu code-ka gelinaa.
Adiga neh waad arki kartaa waxa uu badalay, waad soo dagsaneesaa wuxuu badalay si adiga neh hoosha meesha ugu wadid.
Git waxyaabahaas ayuu kaa caawinayaa.

Faaiidooyinka oo kooban:

  • Waa bilaash.
  • La soco isbedelka ku dhacay barnaamijkaaga ama code-kaaga.
  • Fududeey isla shaqeeynta.
  • Dib ugu noqo code-kaaga si aad u saxdid qaladaad dhacay.
  • Project-gaaga(repo ama repository) documentation oo sahlan u sameey.
  • Ka naso inaad shaqaale sugtid illaa oo shaqadiisa dhameeyo, si aad adiga shaqadaada u bilowdid.

Waa maxay Github, GitLab iyo BitBucket?

⚠️Ogoow, uma baahnid inaad haysatid Remote repository si aad u isticmaashid Git.

Github, GitLab iyo BitBucket waa platform Online ah, oo kuu sahlaayo code-kaaga ku salaysnaay Git in aad ku keydin kartid Online(Remote repository), si aad code-gaaga ugu soo bandhigtid aduunka oo dhan haduu public yahay, ama dadka aad isla shaqeesiin, haduu private yahay project-ga.
Platform dhowr ah ayaa jiro oo lagu keydin karo code-yada Git ku saleysan, oo ay ka mid yihiin GitLab, BitBucket, iyo SourceForge, laakiin Github ayaa ugu caansan uguna isticmaal badan oo in ka badan 100 million projects ayaa ku keydsan.

Milkiilayaasha

Github shirkada weyn ee Microsoft ayaa leh.
GitLab shirkad Ukraine laga leeyahay ayaa leh.
BitBucket waxaa iskaleh shirkadda Atlassian oo Austrialian ah.

Maxay isla egyihiin?

Waxyaabaha ay isla egyihiin waxaa ka mid ah in dhamaantood ay:

  • kuu saamaxaayaan in code-kaaga ku salaysnaay Git aad Online ku keydin kartid.
  • leeyihiin web ama CLI.
  • leeyihiin adeeg lacag la’aan ah iyo mid lacag ah.

Maxay ku kala duwanyihiin?

Waxyaabo ay ku kala duwanyihiin ayaa jiro, sida:

  • Gitlab oo ku shaacbaxay CI/CD waxa la dhaho, oo ah in programmer ka code-ka sameeyo, kadib Gitlab test-yada sameeyo, code-ka program la isticmaali karo u badayo, kadib neh program-ka ka ku shubo meesha oo ku shaqeen lahaay ama lagu host-gareen lahaay.
  • GitLab adeeg tayo leh ku dooro.
  • BitBucket waxuu leeyahay integration ama is-dhexgal hadii aad isticmaashid Jira, laakiin isticmaalkiisa sidaas uma fududa.
  • Github dadka jecel xog-furan (open-source) ayaa u badan.
  • Github adeeg dhaqsi ah ku dooro.

Way adagtahay in lis barbardhigo midkee kan kale ka fiican, waa adoo is barbardhigtay Tufaax iyo Liin.
Dooro midkii ku qanciya oo haya adeegyada iyo astaamaha aad u baahan tahay si aad u horumariso hab-shaqeeyntaada iyo wada-shaqeynta shaqaalahaaga.


Haaheey, waxaan rajeenaa in maqaalkaan kooban ku anfacay oo waxa Git laga wado fahamtay 👏.
Hadaad xiiseenid inaad sii baratid arrimo ku saabsan mawduucaan, e-mail iisoo qor ama halkaan ka barro.