Skip to content

Sidee lagu noqon karaa horumariye (developer)

7 min read
devbeginnersAf-soomaali

Ma xiisaynaysaa inaad noqoto horumariye? Sii akhri qoraalkaan si aad u ogaatid tilaabooyinka aad qaadi kartid, noocyada kala duwan oo shaqooyinka hurmariyaha qabto iwm.

Sawirka: seeklearning

Sawirka: seeklearning

Magaceygu waa Rashid, waxaan ahay DevOps Engineer.
Waxaan xiiseeyaa automation waxa loo yaqaano, oo ah isticmaalka IT ga adigoo shaqada badankiisa kumbiyuutarka u diraya inuu qabto, shaqooyinkaas waxaa ka mid ah shaqooyinka soo noqnoqda.
Waxaan kaloo xiiseeyaa cybersecurity, oo ah xoojinta amniga xogaha tignoolajiyada.

Qoraalkaan waxaan ugu tala galay inaan ku sharaxo sida loo noqdo developer ama horumariye, fikradayda ahaan.

Waa maxay horumariye?

Horumariye – Developer, programmer, coder ama software engineer – waa khabiir ku takhasusay cilmiga kumbiyuutarka, gaar ahaan sida loo abuuro ama loo sameeyo program-yada sida Facebook, ciyaaraha, barnaamijyada lacagaha lagu dirsado, Viber-ka iwm.

Noocyada
Haddaba waxaa jira horumariyeyaal dhowr ah, oo shaqooyin kala duwan qabta.
Qaar ka mid ah waa:

  • Frontend developer: Waxay abuuraan qeybta uu qofka arkayo (User interface), sida barnaamijka ka uu isticmaalaha arko, naqshadeynta, qaab-dhismeedka ama quruxinta.
  • Backend Developer: Kuwani waxay qabtaan shaqada ugu culus, waxay dhisaan barnaamijka qeybta inta badan isticmaalaha uusan arkin, sida isku-xiriirka barnaamijyada, markaad meel gujiso waxa dhaca(click), ama markaad form buuxisid oo aad dirtid (send) iwm.
  • Fullstack Developer: Akhyaartaan waxay qabtaan labada shaqo oo aan kor ku xusnay
  • Web developer: Waxay abuuraan website-yada, waa qeyb ka mid ah Frontend developers.
  • Embedded System Developers: Waxay sameeyaan barnaamijyada ku shaqeeyo TV-ga, AC-ga, taalooyinka iwm.
  • Game developer: Waxay qoraan ayna naqshadeeyaan ciyaaraha.

Maxaan u noqonaa horumariye?

Waqtigaan lagu jiro, waxaa sii kordhaya casriyeynta waxyaabaha la isticmaalo, badanaa waxyaabihii berrigii hore gacan lagu sameyn jiray hada kumbiyuutar ama barnaamijyada(apps) ayaa lagu sameeyaa.
Sidaa darteed baahida loo qabo dadka barnaamijada abuura aad ayay u weyntahay, gaaar ahaan wadamada hada soo koraya.

Hormariyaha meel kasta ayuu ka shaqeyn karaa, adigoo waddankaaga jooga ayaad shirkad waddan kale laga leeyahay shaqo u qaban kartaa.

Hormariyeyaasha waxay kamid yihiin dadka ugu mushaarka badan dunida.

Waa sidee ku shaqeynta xirfada?

Badanaa maalmahaaga isku mid ma ahan, way kala duwanyihiin.
Badanaa mashruuc (project) ayaad ku shaqeyneysaa, muddada waxay ku xirantahay mashruuca sida uu u weyn yahay.
Waqtiga aad maalintii shaqada galaysid adiga ayay kugu xerantahay, kaliya shaqada oo maalintaas qorshe gareesay inaad qabatid ayaa muhiim ah.

programmers-vs-Google

Markaad tahay horumariye, waxaa lagama maarmaan ah inaad taqaanid sida Google loo isticmaalo, maxaa yeelay inta badan waxaad Googleeneysaa waxa aad rabtid, si aad fikrado u heshid.
Way adagtahay badanaa inaad kor ka taqaanid waxa aad rabtid sida loo sameeyo.

Google-Funny

Sideen ku noqon karaa horumariye?

Inkastoo ay jirto talaabooyin kala duwan uu qofku qaadi karro, haddana waxaan halkaan ku xusi doonaa waxyaabaha uu qofka sameyn karro, si uu ku noqdo horumariye fiican.

Midkee baan noqdaa?

Sidaad kor kusoo aragtay, nuucyo horumariyeyaal kala duwan ayaa jira.

Dadka isku mid ma ahan, qofba wax ayuu xiiseeyaa.

Baro midka aad is leedahay waan ku shaqaysan karaa oo aad xiiseeneysid.
Muihiim ma ahan inaad xirfad horay usoo lahayd, waad baran kartaa waxaad doontid.
Qasabna ma ahan inaad mid kaliya ku ekaatid, haddii aad horay xirfadle IT u ahayd, noocyo kala duwan ayaad baran kartaa, balse haddii aad ku cusubbtahay, mid kaliya waqti geli marka hore.

Luqaddee fiican inaan barto?

Luqaddaha way kala duwan yihiin, oo waxay ku xiran tahay nooca horumariye aad doonaysid inaad noqotid, iyo midka adiga kuu sahlan. Balse qaar kamid ah ayaan halkaan ku xusaynaa.

Frontend developer
Hadaad dooneysid inaad noqotid Frontend developer barro luqadahaan:

  • Hypertext Markup Language (HTML): Waa luqadda asaasiga ah, uguna muhiimsan inaad baratid. Waxaadna ku abuuri kartaa waxyaabaha aad rabto, sida: sawirada, qoraalada ama hab dhismeedka bogga.
  • Cascading Style Sheets (CSS): Waa mid kaa caawinaya , midabaynta farta ama aragtida barnaamijka iyo sida uu u ekaan lahaa marka lagu isticmaalaayo kumbiyuutarka, mobile-ka ama tablet-ka.
  • JavaScript: Maadaama HTML-ka uu qaab-dhismeedka kaa caawiyo, CSS- kana kaa caawiyo style-ka, JavaScript (JS) labadooda ayuu nolol u sameeyaa ama uu howl galiyaa , wuxuuna fududeeyaa dhisitaanka barnaamijyada loo yaqaano WebApps, badanaa website kasta wuxuu ku dhisan yahay JavaScript.
  • React: Waa JavaScript library oo loo isticmaalo sida loo dhiso barnaamij qurxoon si deg deg ah. React waxaad ku sameyn kartaa components oo aad marar badan isticmaali kartid. Website-kaan hadda wuxuu ku dhisan yahay JavaScript oo dul saaran React.

Backend developer
Hadaad dooneysid inaad noqotid Backend developer baro luqadahaan soo socda:

  • Python: Waxaa loo isticmaalaa falaqeynta xogta (data analysis) iyo machine learning oo ah system-yo hadda aad loo isticmaalo oo lagu tababaro kumbiyuutarka si uu u noqdo kumbiyuutar caqli badan leh.
  • JavaScript: Sanadahaan danbe aad ayaa loo isticmaalaa JavaScript, ku dhawaad 95% website-yada aduunka ayaa isticmaala.
  • Java: Waxaa isticmaala shirkado aad u badan, 90 % shirkaadaha Fortune 500 ayaa isticmaala.
  • C#: Sanadahaan danbe si aad ah looma isticmaalo, waa luqad object-oriented ah oo Microsoft ay sameesay, waxaa loo isticmaalaa si loo shido barnaamijyada .NET ku salaysan. Badanaa waxaa isticmaala kuwa sameeya ciraaraha.
  • Swift: Hadaad dooneysid inaad sameesid iOS apps(iPhone), luqaddaan xooga saar.
  • Kotlin: Hadaad dooneysid inaad sameesid Android apps, luqaddaan xooga saar.

Shaxda isticmaalka

Bogga Stackoverflow baaritaan ay sameyso sanad kasto ayaa ka muuqata isticmaalka luqaddaha kala duwan iyo sida ay caan u yihiin.

repository

Shahaado qaado

Markaad tahay horumariye, muhiim ma ahan in aad haysatid shahaado heer jaamacadeed sida bachelor iwm, shirkaddaha badanaa dadka ma weydiiyaan oo kuma xujeeyaan, balse waa iska fiican tahay inaad haysatid.

Waxaa kalood iska qori kartaa ama iska diiwaan gali kartaa, cashirada socdo 3-6 bil ama 1 sano oo badanaa lagu qaato waxaaad u baahan tahay oo toos ah, jaamacadaha badanaa waxaa lagu bartaa waxyaabaha asaasiga iyo teknoolojiyo badan oo koobnayn, balse adiga uma baahnid taas, baro kaliya waxaaad u baahantahay. Muhiimada waa in aad haysataa shahaadooyinka loo yaqaano certificates oo ay bixiyaan shirkadaha Amazon, Microsoft, Oracle, CompTIA iwm. Shirkaddaha caalamiga ah waxay xiiseeyaan shahaadooyinkaan aad sidatid, teknoolojiyada aad taqaanid ama meelaha aad kasoo shaqeysay.

Shahaado

Ka qeyb-gal kulamada

Waxaa jira shirkaddo ama hay’ado kuwaas oo qaban qaabiya kulamo loo yaqaano Bootcamps. Ka qeyb-gal si aad u heshid khibrad iyo is-dhexgal fiican. Waxaa dhici karta in meesha laga arko firfircoonidadaa iyo aqoontaada oo horay laguu qaato adigoo aan ka soo shaqeenin meelo badan, maadaama aad cusubtahay 😉.

Sameyso hage ama jiheeye

Sameyso waxa loo yaqaano Mentor oo aad ka dhigan kartid saaxiib. Wuxuu kaa caawin karaa aqoon kororsigaaga.

Sameyso website

Sameyso website ah Portfolio, template badan ayaa jiro oo aad isticmaali kartid oo bilaash ah.
Waxay dadka tusinaysaa inaad aqoontaada soo bandhigi kartid, waa taariikh nololeedkaaga (CV) oo casri ah kaasoo aad isku bandhigi karto.

Dalbo ama codso shaqo

Maadaama aad cusubtahay, waa muhiim inaad shirkaddo badan shaqo ka dalbatid.
Isku day inaad aqbashid mushaar kasta oo ay kuusoo bandhigaan xitaa haddii aadan ku qanacsaneyn, maxaa yeelay xirfad ayaad u baahantahay, oo aadan lacag ku gadan karin.
Xoogaha yar markaas shirkadda u shaqeesid waad ka tagi kartaa oo shaqo kale oo mushaar fiican ayaad dalban kartaa, ha ilaawin, way fududahay inaad shaqo heshid markaad shaqo heysatid.

Aqris dheeri ah: